Carqalada ka dhasha xanunkan aad ayay u bahad yihin laakiin waxa aynu isku dayaynaa in aan so kooobno
Qarqaladaha waxa aan u kala qaybinaynaa labo ; kuwo mudodoodu gaaban tahay iyo kuwo mudadoodu dheer tahay.
Kuwa mudadoodu gaaban tahay waxa ka mid ah ;
1. Sonkorta oo hoos u dhacda: calamada lagu yaqaan waxa ka mid ah ; gariir, dhidid faro badan , khalkhal iyo garaaca wadnaha oo uu qofku maqlo.
2. Sorkorta oo kor u kacda: calamadaha lagu qayan waxa ka mid ah; haraad / oon badan oo uu qofku dareemo, kaadi badan oo uu yeesho, daal , yalaalugo/ lalabo iyo agaraga qofka oo uu caad ka saarmo .
3. Ketoacidosis: tani waa xaalad uu jidhku si dhakhso lah u burburinayo baruurtisa, beerkuna baruurta ayuu u ka dhigaya shidaal kasi oo loo yaqaan ketones , tani aya dhiigan ku sababaysa in ay asiidh ku badato. Calamada lagu arko waxa ka mid ah ; matag, calool xanun , neeftisa oo degdegta , khalkhal ku yimaad iyo in kala garashadu ka lunto.
4. Hyperosmolar Hypoglycemic state: waa xalaad sonkorta jidhku siyaadayso lakiin ketones ma leh iyadu. Calamada lagu arko waxa ka mid ah; fuuqbax saaid ah , khalkhal, gariir iyo koomo inuu galo qofku.
Intas waxa ku dhan carqaladaha mudadoodu gaaban tahay. Topic kale ayaan kaga hadlayna kuwa mudadoodu gaaban tahay.